Wadamada Reer Galbeedka oo Kusoo Badanaya Haweenka Caruur Ku dhalo Guur La'aan

Bulsha:-  Sida qaabka dhalmada isu badashay, ayey tiro dhawaan soo baxday muujineysay in Scotland iyo waqooyiga UK, ay ka mid noqdeen tirada gobolada qoysaskii rasmig ahaa ay hoos u dhaceen.

Warbaahinta UK ayaa 2013kii saadaalisay in badi caruurta 2016ka uurka gali doonta aysan nidaamka isqabidda ku dhalan doonin, maadaama uu guurka hoos u dhacay.

Ku dhawaad 60%, carruurta ku dhalata qeybaha waqooyi ee UK, ayaa waxaa dhalay lammaanayaal isla deggan ama hooyooyin kali ah, sida laga soo xigtay xafiiska tirakoobka qaranka (ONS).

Tirakoobkan ugu dambeeyay ee UK, ayaa muujinaya isbadalka xoogga leh ee ku yimid Yurub, iyadoo horay dalalka Faransiiska iyo Nordic, ay in ka badan kala bar carruurtoodu ku dhasheen nikaax la'aan. Waxayna u muuqataa inuu xiriir ka dhexeeyo carruurta dhalata bilaa guur iyo faqriga.

Uurka dhowr iyo taban jirada ayaa tirdan saameyn ku leh, iyadoo badi kuwa 20ka ka hooseeya ee wax dhala, aysan guursan, waxaana carruurtooda lagu daraa kuwa guur la'aanta dhasha.

Waxana cad in xiriir uu ka dhexeeyo dhalmada nikaax la'aanta ku timaada iyo qowmiyadda. Mareykanka, tusaale ahaan, 72 % waxa dhala badi haweenka Afrikan Mareykanka iyo 66% kuwa Mareykanka asalka ah. Waxaana caddaanka ay yihiin 29%, halka 17% ay yihiin Aasiyaanka, sida laga soo xigtay warbixinta 2015 ee xarunta baarta arrimaha carruurta.

Haweenka haysta carruurta aan nikaaxa ku dhalan, ma ahan oo kaliya kuwa kaligood ah, ee waxaa jira kuwa kale oo isla deggan. Waxaana dalal badan kordhay isla deganaashaha.

Sida badan dunida, waa lagu kala duwan yahay arrimaha guurka iyo waalidnimada. Kororka ugu badan ee isla degganaansha iyo carruurta dhalata guur la'aanta ayuu ka jiraa Latin Amerika iyo Yurubta galbeed.

 Carruurta aan guurka ku dhalan
World Family Map 2014, OECD, Eurostates
Badi yurub, in ka badan saddex meelood meel caruurta oo dhan, ayaa guur la'aan dhalata. Tusaale ahaan kobaca dhaqaalaha ayaa qeyb ka ah kororkan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment