Waan Xanuunsanahay Mana Haysto Daawo Aan Aheyn Adiga ‘Qorma Xanuun badan’

Bulsha:- Waxaa ciqaab ah in aad fariin u qorto qof aan aqrineyn fariintaada , in aad sugto qof aan kuu soo socon,in aad jeclaato qof aan ku dareemeyn , in naad u baahato qof aan dan kaa laheyn qaali isku day in aad i dareento.

2-Aad ayaan u xanuunsanahay kaliya ma haysto daawo aan aheyn,malab saaran bishimahaaga , haddii aan waayana waan dhimanayaa.

3- Ha i barin sida aan kuu jeclaanayo maxaa yeelay waaba ku jeclaaday balse kaliya waxaad i bartaa , sida aan kuu heli karo maxaa yeelay waan ku weysanahay.

4-Ha u maleyn tani codka Mobile-kaada oo kugu war gilinaya fariin kuu so dhacday kaliya balse waa qaylo oohin ah oo ka imaaneysa qalbigeyga iyo halboolaha dhiiga oo ku leh waan kuu xiisay.
5-Sahal ma ahan caashaqu

Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa.

6-Mar quraan dareemay
Muraad inaad iga laheyn
Meel kalaad u dareertey
Maskaxdaada aad siisey
Muran badan adoon gelin
Murugaa igu fogaatee
Maseyr aan dhamaan baa
Madaxeyga ku mug leh
Micno ma lahan aduunkaan
Mid kalaan calman doonaa
Daacad ahow daryeel mudan
Dadka u u riyaaqoo
Duco iyo wanagiyo
Dadka ay u wadaan
Daacad baad igu wadey
Daacad hadaad tahay
Daaha ka rog hadalkaaga








_______________________


Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment