Ninkeyga Waxa Uu Iga Goostay Galmada kadib markii. . . . (iLa Tali Walaal)

Bulsha:- isiiyaa baashaalka iyo asxaabta ku taxan.
Waxaan aheyn lamaane mudo sedex sano ah waxaan dhawaan helnay canug.
Rabitaanka jinsiga ee xageyga weli isma dhimin inuu sii kordho maahee,laakin lamaanaheyga uma muuqdo inuu xiiso ii qabo markaan gogosha ku kulano.

Markasta oo aan isku dayo inaan bilaabo kulanka sariirta dhinaca kale ayuu isugu gediyaa sariirta wuuna seexdaa.
Ma u muuqdo inuu igu wargelinaayo inuu ii baahan yahay,xitaa waxaan agtiisa ka ahay sida boombale,laakin weli kama helin bogaadin.
Waan ku daalay sidaan arintaan ugala hadlaayey,laakin wuxuu hadda markasta isticmaalaa Laptopkiisa si uu isaga key indha tiro.

Ma yimaado sariirta xilliga aan aniga aadaayo,wuxuuna joogta ugu hurdaa kursiga fadhiga.
Maxaa iga qaldan aniga, Muxuusa iigu sameynaa sidaan oo dhan? Waxaan isku dayaa inaan sameeyo waxwalbo oo aan ku farxadgelin karo,laakin waxey u muuqataa ineysan shaqeyneynin.

Waxba kaama qaldana adiga,waxaa muuqata inaad ku jirtiin xaalad cusub oo welwel iyo xaalad daal ah.
Noloshiina dhan kor iyo hoos waxaa bedelmay waxwalbo oo ay ku jirto doorkiinii iyo masuuliyadiina.

Waxaa jiraa niman oo aanan dooneyn iney lumiyaan dhalashada carruurtooda,laakin waxey saameyaan qaabkii ay gogosha ula wadaagi lahaayeen in mudo ah,waxeyna culeys saartaa xaaska bilowga hore,laakin ma daahdo.

Cunuga cusub ee qoyska soo galay waxey raga qaar ka kor u hinjisaa dareenkooda ,wuxuuna xooga saaraa qaabkii uu ku meelmarin lahaa masuuliyadiisa aabenimo.

Waxaana intaa dheer iyadoo ay daalkana uu ka dhigo Hormonada kuwa mashquul ah
Sii fursad hana saarin cadaadis badan naftaada iyo tiisaba xilligan.

Isku xernaanta lamaanaha waa arinta ugu muhiimsan ee saameysa galmada

Aqriste adna waa muhiim taladaa gabartaan dhiban sida ugu fudud ee arinatan ugu guuleysan karto fadlan cay iyo fikirad qaldan waan tir tireynaa si macquul u sii talada .








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment