Bulsha:- Soomaali badan oo ka kala yimid Koonfurta, Gobolada Waqooyiga iyo gobalada kale ee Puntland ayaa magalada Garoowe ku rafaadsan, Kuwaasi oo doontay fiisaha dal ku galka Itoobiya.
Dadkaasi oo u badan Haween ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan tirsanayaan kuwaasoo ay ugu horayso inaysan si nadiif ah ku helin dal ku galka Itoobiya, qaarkoodna waxay sheegeen inay caqabada ugu badan ay tahay dhanka laanta socdaalka Puntland, Sidoo kalana Gabadh meesha tagtay ayaa Candhuuf Wejiga looga Tufay.
Gabadh goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay ka timid Hargeisa, Lacagtiina ay ka dhamaatay, oo Hoteelkii ay daganayd laga saaray, hadana ay Reer kale Gurigooda Seexato.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment