Maxuu Ninku Jecel Yahay Marka Kulanka Naxariista Lagu Jiro ?

Bulsha:- Madooneysaa gabaryaheey in aad ogaato waxa uu jecel yahay ninkaada marka kulanka naxariista lagu jiro ? hadaba qaado talooyinkaan .

1- Xamaasad (Hamuun) ninka aad ayuu u jecel yahay in haweeneyda ay ahaato mid u kulul sameeynta kulanka , hana dareensiin in aad kulanka u sameyneyso isaga dartiis kaliya .

2- Khiyaao Cusub : ninka waxa uu jecel yahay in naagtiisa uu ka dareemo in ay diyaar u tahay in ay isku dayayso marba in hab cusub ay nolosha sariirta ula qeybsaneyso , isku soo duub muhiimada waxa ay tahay in haweeneyda soo hindisto dareemo cusub oo uu horay kaaga arag .

3- Amaan : inta badan waxaan aaminsanahay in haweeneyda kaliya tahay midda u baahan amaanta ee sidoo kale ninka waa uu jecel yahay ee u samee si gudashada shaqadiisa u ahaato mid aad u sareeysa .

4- In Meelaha Ka Dhiman U Buuxiso : ninka waxa uu jecel yahay in haweeneyda ay ku tiraahdo oo ay u sheegto habka ay u dooneyso in ciyaarta u dhacdo iftineducation.com waxa ay ku leedahay waa hubaal haddii aad hagto in arintaas uu kaaga mahad celinayo kana helayo dhiira gilin adna aad aad u macaansan doonto.

5- In Ay Isku Kalsoon Tahay : ninka aad ayuu u jecel yahay in haweeneyda ay isku kalsoon tahay xishood la`aan ay wax ula wadaagi karto ninka muhiimada waxa ay tahay ragga ma jecla in mugdi ay ku sameeyaan ciyaarta .

6- Ka Fikiridda Kulanka Sariirta : haweeneyda ka fikirta kulanka sariirta waxa ay si wacan u garaneysaa sida ay ninkeeda ugu farxad gilin karto sariirta , in aad u muujiso qaab xariifnimo ah in aad rabto in aad hawada wada gashaan xilli isaga oo daawasho Tv-ga ah ku jira , ugu dambeyn caqliga ayaa ah isha awoodda galmada .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment