Fariimo Jaceyl : Oh Oh Oh Miyaysan Ogeyn In Aan Jacey Isku Guursanay Oo Aysan Jirin…

Bulsha:- Xadiga Jaceylka aan u qabo Xaaskeyga Maaha wax Qorma Lagu soo Koobi karo ayuu isaga oo isla Hadlaya xasan hadalkiisa ku Bilaabay…..

Waan ogahay Dhalinta aan Garaadkoodu sareyn ee Gidaarada Xanta La Fadhisa in Maalin Walba Marka an Xaaskeyga Suuqa Kala Soo adeegayo ay Xam Xam Hoose isku Yiraahdaan, Kan Ma Dhiman Baa, Ma Maserowbaa, Mise Hal Joog Girileyda ayuu Ka Baqaya In 2-0 Har Cad Loogala Wareego.

oh, oh, oh, Miyeeysan Ogeyn inaan Jaceyl isku Guursaney oo aysan Jirin Cid Nagu Kala Dili Karta Maal, Maskax iyo Muruqba.

Waan Ka Dharagsanahay in dhalinta Darbi Fadhiska Ah ay Kala Dileen lamaanayaal Badan oo xiriir Jaceyl ka Dhexeyay, Waxaanan Maqli jiray ayada oo La Leeyahay Sedexeyasha saaqidnimada Darbiyda La Fadhiya halaga Gaashaanto Waa sunta Jaceylka, sibirna waa ka Qaraar yihiin Sixirna waa Ka Daran yihiin, subixi la,arkana seedeha halaga jara oo silic haloo dilo ilaa waa sunta Caashaqee.

Laakin aniga Waxaan Go,an saday inaan xaafada isaga guuro, hayeeshee Xaafadii Kale ee aan u Guuray Waa Sidoyoo Kale, Waxaan is Weydiiyay Maxaa Dadka Wada Simay mise Soomalidaba Ka Daba Shaqeynta Qoysaska Waa isaga Mid, waxaanse aniga sedexeyayshaas Kaga Bad Baadaa Jaceylka ay ii Qabto Xaaskeyga ee adiga ma ila Qabtaa Dhibkaas.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment