Bulsha:- Waa sax in ay nafsada aad u daneyneyso lakulanka ruuxa ay jeceshahay balse waxaa iyadana meesha ku jirto Qatar kaaga imaan karto dhankiisa madaama aad dhankiisa aad ugu dabacsantahay oo ay adagtahay in aad rabitaankiisa ka hor timaado.
Waxaan si aad ah kaaga digaya la kili noqoshada ruuxa aad hasaawe wadaag tihiin isla markaana aad xad dhaafka u jeceshahay aniga oo ku xasuusinaayo in diinteena macaanka badan ee marwalbo sharafkiina aadka u ilaaliso in ay xaraantinimeysay kulanka goonida ah ee dhax mara labo qof oo kala ajnabi ah.
Ogsoonow la kulanka qofka aad xad dhaaf u jeceshahay in uu ka Qatar badan yahay kulanka aad la wadaagto qof ciyaal suuq ah oo xun waayo qofkaas waxaa badan in aad iska difaacdo isla markaana aad ceyriso asaga oo cebeysan balse ruuxa aad jeceshahay waxaa kuu jilbo xiraayo jaceylka xad dhaafka ah ee uu qalbigaaga ku beertay .

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment