Daawo Yaab!: iibso guri oo hel Xaas bilaash ah (Akhriso dhacdo xiiso badan)

Bulsha:- Inta aad ku nooshay dunidan casriga waxaad maalin walba aad arkeysa ama maqleysa arimo naadir ah kuwaasoo qaarkood layaab kugu noqonaaya markii aad ku aragto dunida dacaladeyda gaar ahaan markii ay noqoto dhanka suuq geynta xilli haatan dal walba waxa uu hormarka ku gaaro ay tahay beec mushtarka waxaana beeca xorta ah saldhig u ah habka suuq geynta taa oo afka qalaad lagu dhaco Markiting.

Haddaba sheeko la xiriirta suuq geynta ee uu daabacay warsidaha The Mirror toddobaadkan ayaa ka yaabisay dadkii maqlay iyadoona dhabano heys ay ku noqotay dadka ka beeyac mushtara suuq geynta madaama haweeney u dhalay dalka Indonesia ay lasoo baxday tab ka duwan qaababka lagu yaqaan suuq geynta.


Iyadoona, warsiduhu daabacay sheeko ah in haweeneydan ay dooneyso in ay iska iibiso gurigeeda isla markaana qofkii iibsado gurigan uu si xor ah ku guursan karo iyada.

Guriga haweeneydan oo 40 jir ah ayaa ka kooban dabaq hal biyaano ah taas oo leh labo qol oo jiif ah labo suuli, meel baabuurka la dhigto ama (Parking) iyo weliba barkad lagu xanaaneeyo kaluunka noocyadiisa kala duwan.

Rumah Dijual oo ah qofka ay haweeneydan u xil saaratay suuq geynta gurigan ayaa Internet ku baahiyay qoraalka sheekadan isagoona ciwaan kaga dhigay “Iibso guri eena guurso milkiilaha guriga.”

Lie ayaa mar wax laga weydiiyay sheekadan waxay arinkan u xaqiijisay TV xaruntiisu tahay isla dalka Indonesia, waxay sheegtay in arintaan aysan ahayn kaftan, iyadoona hadalkeeda intaa ku dartay in ay daneeneyso guursiga nin walbo oo iibsada gurigeeda qofkuu doonaba ha ahaadee.

Haweeneydan ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegtay in hadafkeeda ugu weyn uu yahay sidii ay ku heli lahayd lamaane nolosha la wadaaga madaama muddo dhan shan iyo toban sano ay ahayd CARMAL ka dagaal markii uu ninkeedu ka dhintay sanadkii 2000.

Si kastaba, qiimaha gurigaan ayaa ah 999mn oo rubi una dhiganta qiimo dhan 75 kun oo doolarka mareekanka ah ($75,000).

Haye diyaar wax makaa yihiin.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment