Bulsha:- Bandhiga Carwada milano ayaa waxaa mudo 24 sano ah kadib xalay lagu soo bandhigay Khudaarta laga soo saaro Soomaaliya.
Bandhigaan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhowr dal oo aduunka ka tirsan iyo shirkado maalgashi, sidoo kale waxaa kamid ah dalalka maalgashta Soomaaliya.
Waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa waxaa kamid ah cunada iyo Miraha lagu beero dhulka Soomaaliya, waxaana dhamaan dadkii ka qeyb galayay bandhiga Carwada Milano ay xalay cuneen cunooyinka ay kamid ahaayeen Mooska, Babaayga, Qaraha iyo Isbaandheyska.
Xubnaha ka qeyb galay bandhigaan ayaa si aad ah uga helay Khudaarta lagu beero Soomaaliya, taasoo ku baxda Qoraxda iyo Carrada islamarkaasina aan lagu darin daawo ama Kiimiko.
Kadib markii uu soo gaba gaboobay Bandhiga Khudaarta lagu beero Soomaaliya, ayaa shirkado maalgashi oo aad u badan waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen madaxdii Soomaaliya uga qeyb gashay kullanka, iyagoo ujeedkoodu uu yahay ineey maalgashtaan Soomaaliya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment