Sirta Guurka: Ma Dooneeysaa Inaad Ku Guuleysato Jaceylka Guurkaaga Koowaad Hadab Raac Qodobadaan

Bulsha:- Waayahaan danbe waxaad moodaa in dhalinta aay ka qarsoontahay sirta guurka, guurkii oo fududaaday ayaa wuxuu sababay in furiinka soo degdego, degdegii furiinka ayaa wuxuu sii sababay in dhalinta dhamaantood aay kala aamin baxaan, qofka guurkiisa ugu horeeyo markuu ku guul dareysto, waxey u noqotaa waayo aragnimo dheeri ah, iyo inuu ka aamin baxo macnaha jaceylka.LKN WAAD GUULAYSAN KARTAA



Qormadaan waxaan kusoo qaadan doonaa dhowr qodob oo aan doonayo in guurka lagu adkeeyo si guurka koowaad qofka ugu guuleysto, hadii jaceylka lamaanahaada aad u qabto uusan dhab kaa aheyn qodobadaan ha isku daalin maba kazoo bixi kartid.

Qodobka koowaad, ha iloobin in aad isku baraarujisaan arimaha diinta, waxaa jiro aabo qoyskiisa usoo iibinayo heesihii ugu danbeeyay, Aflaantii ugu danbeeysay iyo bandhig faneedyo qoyska marin habaabin karo, waa dhif iyo nadir aabo qoyskiisa usoo iibinayo muxaaadarooyinkii u danbeeyay, noqo mid qoyskiisa diinta ku abaabiyo waayo diinta ayey ku jirtaa macaanida iyo sirta qoyskaba.

Qodobka Labaad, Isla Jebiya saxanka cuntada, noqda lamaane hal weel wax kuwada cuno, isku day in aad mararka qaar ubadkaaga oo idiin la cunayo cuntada, koow aad asaga afka u geliso kadibna aad lamaaanahaada cuntada afka gacantaada ugu geliso, waayo cuntadaasi caloosha toos uma aado waxeey si toos ah u abaartaa qalbiga la jirahaaga.
Qodobka sadaxaad, isku day in aad lamaanahaada la qeybsato murugo iyo farxad kasto oo soo wajahdo nafsadaada, waayo sirta qarsoon ee aad isku sheegataan waxey xoojisaa xiriirka iyo kalsoonida idiinka dhaxeyso.

Qodobka Afaraad, lamaanahaada ka dhigo saaxiibkaa, walaalkaaa, iyo jaceylkaaga, waayo saaxiibkaa sirtiisa kaama qarsado, walaalkaa waxaad ka heshaa xushmad, jaceylkaagana waxaad ka heshaa wax walbo oo aad u baahato, marka isku day dhamaan inaad kulansato si aad gunta qoyska usoo taabato.

Qodobka shanaad, isku day lamaanahaada inaad u sameysato erayo qaas ah oo aad isku fahantaan, qaasatan usameey magac gaar ah oo aad ugu yeerto mar weliba naaneys ahaan, magacaasina ha noqdo magac ka turjumayo kalgaceyl ama kaftan.

Akhristayaasha kobciye.com Shantaas qodob ayaan kusoo koobayaa qormadiii aan ugu magic daray Sirta Qoyska, waxaan filayaa in ramadaan ayaa fooda nagu soo haayo, waxaa inoo diyaarsan barnaamijyo diini ah aad u faro badan, Qisooyin diini ah oo iskugu jiro jaceyl iyo ku cibro qaadasho, waxaa kaloo inoo diyaarsan taariikhda saxaabada illaa 30 saxaabi iyo weliba arimo kale oo diini ah oo aad u faro badan insha allaaah







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment