Bulsha:- Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in saakay magaalada Muqdisho ku qabteen gaari yar oo nuuca raaxada ah, kaas oo la doonayay in la qarxiyo.
Gaadhigan oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lasoo dhigay xaafada Taleex ee Degmada Hodan, waxaana dadka deegaanka ay ku wargaliyeen gaariga ay ka shakiyeen ciidamada amaanka kuwaa oo markii dambe gaaray halka gaadhiga la dhigay. Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa booliiska ayaa ku guuleestay in ay kala fur furaan qaraxa gaariga lagu so xiray, waxaana warar kale oon helnay ay sheegayaan in gaariga ay saarnaayeen hub, lamana oga halka la doonayay in gaarigaasi lagu weeraro.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment