Bulsha:- Wuxuu guriga ku hayay saddexdiisi caruur oo hooyadood dhimatay sanad ka hor. Gabadha weyn waa 11 jir, gabadha yar waa 2 sano, wiilkuna 5 sano. Waxa ay ku tiirsanaayeen wixi uu maalintaa suuqa ka soo shaqeysto oo ay biilan jireen balse dhawrki maalmood u dambeysay wuxuu guriga ku soo noqonayay isagoo fara maran. Wuxuu u adkeysan waayay oohinta gaajeysan. Wuxuu gabadhiisa weyn ku yiri, Aabe suuqa ayaan wax ka doonayaa. Caruurta sii ogow, waan soo dheereynayaa. Gurigi ayaa dusha kaga xiray isagoo ka baqay inay banaanka u cararaan. Wuxuu tagay hudheel cunto uu garanayay, wuxuu weydiistay inuu raashin bisil & cabitaan deyn ah siiyo si uu caruurtiisa gaajeysan ugu geeyo. Mulkiilihi waa ka diiday. Wuu isaga tagay, wuxuu sii maray nin Adeerkii ah oo dukaan weyn meel ku heysta wuxuu ka codsaday inuu wax siiyo uu caruurta u geyo, wuxuu isugu daray diidmo, qeylo & canaan isagoo leh, “Intaa wax baa na weydiinaysaa orod nagala tag baahidaada badan”
Isagoo ciil & caro caloosha buuxdo ayuu sii iska sii lugeeyay. Wuu shaqeysan jiray laakiin hada ma leh shaqo, ma tuugsan karo, wax ma xadi karo, tol & qaraabo wax siineysana ma leh.
Ugu dambeyntii wuxuu gaaray go’aan khatar ah. Wuxuu u tagay nin si qarsoodi ah uga ganacsada xubnaha jirka bini’aadanka. Waxay ku heshiiyeen inuu Kelli ka iibsado kana siiyo lacag dhan 1,800$. Maadaama ay heysay nafaqo daro & dhiig yari daran wuxuu galay coma, todoba cisho ka dib ayuu ka soo kacay, waxaa la siiyay lacagti. Wuxuu orod ku tagay super market weyn, wuxuu u iibiyay caruurti cunto, cabitaan aad u badan. Baco waaweyn isagoo la ordaya ayuu gurigi yimi.
Albaabki markuu furay bacihi ayuu tuuray, Jilbaha ayuu dhulka ku dhufsaday. Caruurti yareyd waxay isku dayeen inay baxaan way awoodi waayeen waxay fariisteen jardiin albaabka u dhowaa, gabadhi weynayd ayaa intay labada dhinac iska fariisisay jardiinada albaabka u dhowaa derbiga madaxa ku tiirisay, labadi yaraana dhabteeda madaxa u saartay, maadaama ay gaajo & haraad ku jireen inti Aabahood maqnaa & in ka sii horeysay, siday u ooyayeen beerki cadaatay Barti ayay nafta kaga wada baxday!!!
Dad badan oo magaalo & miyi degan ayaan dab shidan. Tiro badan ayaa tabaaleysan oo taaheysa. Kuwa Alle siiyay xukunka, kuwa Alle ku maneystay Maalka & cid kastoo cunto dheeri ah heysa, ka warqab deriskaaga. Marnaba Marnaba yaysan dhicin in caruur Gaajo ku seexato iska inay u dhimatee! Ma jiro wax ka xanuun badan. Allaha u maciino maatada iyo masaakiinta oo dhan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment