Bulsha:- Haweenay u dhalatay dalka Jabaan oo ah qof aad u dhuuban oo nis yar, ayaa noqotay haweenayda ugu cirta wayn dunida, wallow aanay naanaystaa iyo tilmaantaasi ku haboonayn haweenka, oo meelo badan oo dalkeenu ka mid yahay ay haweenka ceeb ku tahay cir waynaantu.
Gabadhan oo lagu magacaabo, Kinoshita Yucca ayaa daqiiqado gudahood ku madhisay xeedho dhan oo baasto ah, waxaanay si fudud uga laacday afar kilo gram oo baasto karsan ah.
Sida jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa ku warantay, Kinoshita Yucca ayaa afar daqiiqo oo keliya ku dhamaysay, xeedho baasto ah, taas oo sida wararku sheegayaan ku filaan lahayd ilaa sodon qof, haddii ay xiraad ahaan u qaataan.
Gabadhan oo ah mid aad u dhuuban ilaa dhawr iyo labaatan jirna da’deeda lagu qiyaasay, waxa ay aad ugu faraxsan tahay in ay sidan u cir waynaato, waxaanay marar kala duwan baahisay muuqaalo fidiyow ah oo ay ku soo bandhigayso cir waynaanteeda iyo sida ay raashin badan wakhti yar ugu dhamayn karto.
Muuqaalkeedi ugu danbeeyay oo ay ku baahisay shabakadaha xidhiidhka bulshada sida facebook iyo twitter-ka ayaa laga arkayay gabadhan oo afar daqiiqo gudahood ku dhamaynaysa tashti dhan oo baasto ah.
Waxa kale oo u sii dheera dhawr caagadood oo biyo ah oo ay raacisay, waxaanay iyadoo qoslaysa ay sheegtay in aanay waxba uga dhignayn raashinka intan leeg ee ay daqiiqadaha ku madhisay.
Meelo badan oo dunida ah waxa laga qabtaa tartamo loo galo cir waynaanta, waxaana waddamada tartamadaasi ka dhacaan ka mid ah dalka Jaban ee gabadhani u dhalatay, waxaana mar la waydiiyay Kinoshita Yucca in ay ka qayb gali doonto ay sheegtay in aanay diyaar u ahayn, waxaanay jawaabtaasi ka dhigaysa in ay gabadhani daacad u tahay cir waynaanta oo aanay ka ahayn mid magac ama maal ay ku doonayso.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment