Bulsha:- Garyaqaankii u dhashay Dalka Kenya ee horay u dalbaday inuu Guursado Gabadha Obama ee Curadda Ah (Malia), ayaa la xaqiijiyay inuu kusoo biiray diinta Islaamka.
Qareenkaan oo lagu magacaabo Felix Kiprono Matagei, ayaa qabsaday bogaga ugu horeeya Jaraa’idyada kasoo baxa Kenya, kadib markii uu 70 neef oo IDO ah iyo 30 neef oo ARI ah iyo 50 LO’ ah uu ku dalabaday Curadda M/weyne Obama.
Felix Kiprono Matagei, ayaa sheegay inuu isaga baxay diinta Kirishtaanka kuna biiray Islaamka sanadkii 2012 balse uu intaas qarsanayay.
“Waxaan kusoo biiray diinta Islaamka sanadkii 2012, waxaana Shahaadada laygugu qabtay Masjidka Jamia” ayuu yiri Felix Kiprono.
Felix ayaa sheegay in Gabar ay horay saaxiibo u ahaayeen ay sabab u ahayd inuu kusoo biiro Diinta Islaamka, kadib markii ay waxyaabo badan ku qancisay.
“Waxay lahayd qalbi aad u wanaagsan waxayna igu qancisay inaan qaato Diinta Islaamka” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

“Laga soo bilaabo sanadkii 2012 waxaan qaadanayay duruus ku saabsan diinta Islaamka”.
Felix ayaa sheegay in kadib markii uu kusoo biiray islaamka uu qaatay Magaca (Cadnaan).
Cadnaan ayaa sidoo kale mar la weydiiyay inuu Soomanyahay Bishan Ramadaan, ayaa sheegay inuu Soomanyahay islamarkaasna uu aqriyo Quraanka Kariimka.
“Tan iyo mudadii aan kusoo Biiray Islaamka waan Soomayay Bilaha Ramadaanka Quraankana waan aqrinayay” ayuu ku jawaabay Cadnaan.
Xigasho: Warfaafiye.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment