Daawo Sawirada: Majaajiliiste dollar faalso ah madaxa uga shubay Madaxweynaha FIFA

Bulsha:- Majaajilaystaha weyn reer England ee lee nelson ayaa qasab ku galay Xarunta FIFA ee Zurich Isaga oo si layaab leh lacag been abuur ah dusha kaga shubay Sepp Blatter.

Ma jaajilistahaani ayaa ka yaabsaday Madaxwaynaha Xiriirka kubada cagta FIFA ee Sepp Blatter, waxa uuna xiligaasi Madaxweynuhu ahaa mid ku mashquulsanaa Howlihiisa shaqo.

Majaajiliistaha ayaa qasay Shir Jaraa’id ee uu qabanaayay Madaxweynaha waxa uuna goortii uu galay durbadiiba horay ka bilaabay fardhinta lacagahaasi.

Majaajilaystaha ree England ee Simon Brodkin (Lee Nelson) ayaa u awood sheegtay shaqsiyaadkii ku qornaa xaqiijinta amaanka xarunta inkastoo ay ahaayen kuwo horay u garanaayay majaajiliistaha.

Xiliga uu lacagahaasi been abuurka ah fardhinaayay ayaa waxa uu hogaanka sare ee FIFA ku hawlanaa inay shaaciso waqtiga la qaban doono doorashada cusub ee FIFA.

Arintan ayaana waji gabax ku noqotay FIFA oo markii horeba lugaha kula jirtay arimo musuq maasuq iyo laaluus, waxayna arintani Blatter ku noqonaysaa arin kale oo indhaha caalamka ku soo jeedisa.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment