NINYAHOW DAMAC FARA BADAN IYO KACSI BADAN MAKU ARAGTAY XAASKAAGA..! TALADAN QAADO WAXAN MUHIIM AH INAAD OGAATO IN…

Bulsha:- Ninyahow Damac Fara Badan Iyo Kacsi badan Maku Aragtay Xaaskaaga..! Taladan Qaado Waxan Muhiim ah inaad ogaato in…

Rag Farabadan oo xaasas leh ayaa doona in ay guursadaan gabdho kale arintaas oo ah mid soo jireen ah waxaa muhiim ah in la isweydiiyo .

Maxa Horta ninyahow kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qabo mid kale u guursato,. oo aad halkaasina kharash iyo lacag badan ku bixisid………… ?


Hadaba Way jiraan duruufo ama arin mar marka qaarkood kugu kallifaysa in -aad xaas 2=aad guursato, hase yeshee waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso,su,ashas wa Maya, inteenna badan waan qarsannaa ma u sheegtay inuu kacsigeegu badan yahay adiguna aadan awoodin inaad qanciso  markasta,,.. ?
Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto. Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la’aan, jirro wakhti dheer ah IW-M, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca.

Balse wa aa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan.

Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane. Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay. Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato.

Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay. Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub.

Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada. Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment