Maxaa Keena Isbadalka Dumarka Guurka Ka Dib (SABAB)? Hal Kaan Kaga Bogo

Bulsha:- Dumarka badankood waxaa dhacdo marka la shukaansanayo waxay leeyihiin weji marka la guurasadana waxay la soo baxaan weji kale oo cusub , taas oo sababo badan yeelan karta haddaan sababaas wax yar aan ka soo qaadano

1- Marka hore been baa lagu shukaansaday, soomaalidu waxay dhahaan (NAAG BEEN BAA LAGU SHUKAANSADAA RUNBAA LAGU DHAQAA) hadalkan sax ma waxay ahayd in la dhaho (NAAG RUN BAA LAGU SHUKAANSADAA BEEN BAA LAGU DHAQAA) maxaayeelay haddaad u soo sheegto gabadha aad guursan rabto been marka guriga la keento runta ay aragto mar dambe kuma aaminayso waxaa ku dhacaya niyad-jab

2- marka la is shukaansanayay ayaa laga badbadiyay jacaylka oo qof kasta wuxuu iska dhigay inuu midka kale si daran u jecelyahay xaqiiqaduna sidaa ma ahayn, marka aqalka laysla galay dhabtii baa la isla arkay.

3- marka la is shukaansanayo nimanka qaarkooda waxay siiyaan gabdhaha ballamo ayna ka soo bixi karin marka la is guursado wixii oo dhan waa iska iloobayaan.


4- gogosha iyo raaxada guurka in la isla fahmi waayo middaan ayaa ugu daran naagaha ma sheegan karaan baahida sariirta, xishoodka ayaa ka tan badan, middaan si deg deg ayay u keentaa furriin, ama khiyaano naagta inay nin kale raadsato haddii Alle ka cabsi uuna jrirn.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment