Haweenka Ingiriiska oo doortay ragga cayilan bedelka kuwa murqaha waa weyn.

Bulsha:- Jariirada Daily Mail ee kasoo baxda Ingiriiska ayaa faafisay in hablaha u dhashay dalkaan ey aad u jecelyihiin ragga cayilan bedelka kuwa muuqaalka qurxoon ee murqaha waaweyn dhistay.

Daily Mail waxey tilmaantay in 96% haweenku jecelyihiin iney nolosha la wadaagaan ragga cayilan, waxeyna sabab uga dhigeen diidmada ragga murqaha dhistay iney adagtahay in ragaan ey la wadaagaan cuntada oo ey mashquul ku yihiin  goobaha jir dhiska sida GYM-ka iyo garoomada.

Cod bixin laga qaaday haweenka Ingiriiska oo ku saabsaneed mustaqbalka ragga ey jecelyihiin iney nolosha la wadaagayaan, ayaa dhamaantood waxey isku raaceen ineysan rabin ragga ku mashquulsan jir dhiska bedelkoodna ey doonayaan kuwa cayilan oo inta badan guriga jooga marka eysan shaqo jirin.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment