Bulsha:- Hubkii ay qabteen ciidamada Mariiniska ah ee dalka Australia ayaa dowladdu dalkaasi waxa ay baahisay Sawirro laga soo qaaday doon la sheegay inay ku socotay dalka Soomaaliya oo lagu qabtay hub fara badan,
kadib markii ciidamada Badda ee Dowladda Australia ay doontaan ku qabteen Xeebaha Bariga Dhexe.
Doontaan hubka siday ayaa lagu qabtay meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cumaan, waxaana saarnaa doonta hub fara badan oo oo ay ka mid yihiin 1989 qoriga AK-47 ah, qoryaha fud fudud, ku dhawaad 100 gantaalada garbaha laga rido ah, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Taliyaha Ciidanka howlgalka dalka Australia Admiral David Johnston ayaa sheegay in guutada loo yaqaan H-MAS Darwin ay heegan adag ku jireen marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo ku soo wajahnaa xeebaha Soomsaliya.
“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan H-MAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga.” Sidaa waxaa yiri Admiral Johnston.




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment