Bulsha:- Nin marku gabar soo doontana inta badan waa nin xoolo heysto, ha soo xoogsado ama ha soo xado cidna weydiin meyso meesha uu ka keenay, lana sii dabo gali maayo, laakin ergadii uu soo dirsaday warkooda iyo cidduu yahay kaliyaa lagu aqbalaa,
laakin waalidka gabadha dhalay waxay usoo xulaan gabdhahooda mideey is leeyihiin way ugu qurux badantahay uguna edab wanaagsan oo ay isleeyihiin way ugu fiicantahay ayadoon la ogeyn ninka gabadha la siinaayo inuu yahay nin u qalmo haddii uu nin xun ahaa hadhowto la leeyahay reer hebalow waad na qaladdeen iyo waa qaldannay waa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo gabar yaroo horuu jeed ah af abeeso lagu riday TALAA FARA KA HAADDAY waaye sheekada.
Waa baa oday ganacsade ahaa wuxuu ka helay gabar yaroo qurux badan maadaama jeebkiisu qoynaa gabadha reerka dhalay buu odayaal u dirsaday, gabadha aabbaheedna oday kaloo xariif ah buu ahaaye intuu fikiray buu yiri ninkaan ma taqaannid gabadhaada SHAN KAROON ta ah na kuma aamini kartid odayaasha uu soo dirsadayna uma diidi kartid oo xaal baa ku qabanaayo, markaasuu mid ayada ka yareed oo xooga suuqa ku jirtay buu ku qolofeeyay, marki odayga loo guuriyay oo la aqal galay maxaa i dhiibatay,,,,
odaygi arooska ahaa intuu xanaaqay buu gabadhi soo buriyay, aflagaaddana ugu daray, maalinti dambaa gar loo soo fariistay isagoo rabo in loo celiyo xoolihii laga qaaday bal muu meeshaas uga haro, gabadhii baa loo yeeray intii u yiri bay meeshi ka sheegtay garti u raadinaayay isagey la fariisatoo xaal iyo xumeyn iyo meherkeedi dib looga qaaday.
Odayga gabadha dhalay waxaan dhihi karaa waa aabbe wanaagsan ilaa xad dhagarba haku jirtee.
Hadda waxaan aragnaa inta badan nin lacag la ordaayo baa gabar soo doonanaayo gabar buu guursanaa wuu ka tagaa, mid kaluu guursanaa wuu ka tagaa, waxaa macquul ah inuu sanad gudihiis ilaa 5 gabar oo caruur ah wali intuu guursado ka wada dhaqaaqo, mustaqbalkoodiina dhaafo taas na waxaa keenaayo: Ninka xumaantiisa lama fiirshee xoolihiisa la eegaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment