Daawo Sawirada:- Lamaane is qilaafay oo si cajib ah u kala qeybsaday alaabtii guriga tiilay

Bulsha:- Waa dhacdo cajiib ah oo ka dhacday Dalka Jarmalka, kadib makii lamaane isqabay ay kala tageen go’aana ku gaaren inay kala qeybsadaan wax waliba oo guriga yaal.

Lamaanahaani oo isku khilaafay wada noolanshaha ayaa isla meel dhigay inay kala tagaan islamarkaana ruux waliba lasiiyo wixii uu xaq u lahaa ee guriga yiilay waxa ayna kala qeybsadeen Sariiraha, Mobilada, kuraasta iyo fadhigii guriga yiilay.

Mr der juli oo ahaa ninka marwadaasi qabay ayaa u dhaqaaqay suuqa weyn ee dalkaasi waxa uuna soo iibsaday qalabka loo isticmaalo in wax lagu kala jaro, wuxuuna labo u qeybiyey TV-gii, Sariirtii, Baabuurkii iyo xitaa telefoonkiisii, isagoo taas ku sababeey inuu ula jeedo cadaalad.

Kala qeybinta kadib ayuu isugu yeeray Saxaafada si ay marqaati uga ahaadan cadaalada meesha ka dhacday, markii wareysi lala yeeshayna waxa uu sheegay in cilada ay ka timid dhanka Xaaskiisa sidaana uu ku go’aansaday inuu agabka kala qeybiyo.








_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment