Bulsha:- Asc walal magacaygu waa Ilwaadwaxaan ahay gabar ilaah qurux badan siyay misne dheer jog iyo Jamal ilah ku ma neystay Waxaana jecelahay mar kasto in aan helo nin sideyda oo kale ah runtii ma jecli nin iga gaban ama iga fool xun waline ma arkin mid sidaan rabo ah, hal ayaan ka arkay i qanciyay qabkiisa jog iyo jamaalba laakiiin ma ahan mid dhaqan fiican aan ka helayo waayo kama helin aqlaqdisa dabecadisaba
Waxaan kaloo la shekeystaa mid iga gaban laakiin fool xumo kale aan qabin waan ka xishoonayaa in aan guursado kan yara fasha xun ama iga gaban waan ogahay in uu yahay nin wanagsan wanag iyo cisine ka helayo waxaba modaa in la ila yaabayo hadaan wadada isla marno marka maxaan sameyaa sidee ku doortaa?
Talo celin bahda ishadunida.com ayaa u jeedinayaan gabadhaan walaasheen ah ayaa ah ugu horeen waad duunka waa meel imtixaan ah, marka haddii aad sidaa tahay camal wanaagsan samayso aakhiro ayaad ka helaysaa jannada, ishadunida.com ayaa ku leh runtii quruxda aad sheegayso qofba si buu u arkaa, adiga hadda isla qurux badantahay waxaa laga yaabaa nimanka qaarkooda inay u arkaan inaad foolxuntahay, marka waxaan kula talinaynaa inaad guursato nin gurigiisa dhaqan karo oo wanaagsan diin iyo raganimo leh.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment