Bulsha:- Indhihiisa : eegmada waa wadada ugu dhaw ee qalbiga ninka lagu hanto , haweeneyda calqiga badan waa midda adeegsata hubkeeda haweenimo , u dooro midib midbaka uu ka qurxoon yahay hana iloobin in marba timaha nooc u habeyso
Dhagahiisa : maqalsii shanqarta codkaada , u sheekeey oo saameyn ku yeelo dareemihiisa , haweeneyda caqliga badan waa midda ninkeeda ku qasabta in uu dhageytso waana midda gaareyso xilliga ay hadleyso , waligaa ninkaada hadalka haka celin
Sankiisa : carafta waa doorka ugu weyn ee aad ninka ku qabsan karto caraf mooyee sankiisa yeesan wax kale carfin
Waxa ay Bulsha.com ku leedahay ha is oran ninkaada waa sandheere oo wax waliba sanka la raacaya balse ogoow carafta uu jecel yahay waa midda dabeeciga ah ee jirkaada ee ma ahan in kun xabo oo catar ah ku jibiso guriga iyo jirkaada ee nadaafadda jirka xooji .
Afkaada : ku dadaal nadaafadda ilkahaada , ogoow afka waa meesha ay ka so baxaan erayada macaan ee xod xodashada ee wajiga ninka ka dhigaya mid dhoola cadeynaya
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment