VIDEO: ISIS oo caruurta yar yar u adeegsaneyso gowraca maxaabiista

Bulsha:- Muuqaal cusub oo laga argagaxo ayey kooxda khilaafada Islaamiga ee ka dagaalama Ciraaq iyo Siiriya soo bandhigeen, kaasoo muujinaayo wiil yar oo mindi ku gowracaya askari ka tirsan ciidamada dowladda Bishaar Al-Asad.

Wiilkaan yar oo ah madow ku hadlaya luuqada Englishka ayaa digniin u diraya dowladda Mareykanka, isagoo ku eedeeyay in ay dhaqaale ku bixiyaan burburinta wax ay ku sheegeen dowladda shareecada Islaamka ee Ciraaq iyo Siiriya.

Todobaadkii hore ayey kooxda ISIS soo bandhigeen muuqaal wiil afar jir ah oo loogu magac daray Jihadi Junior uu gaari ku qarxinayo afar nin oo gaari lagu soo dhex xiray.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment