Bulsha:- Hooyo iyo gabadheeda isla saarnaa gaari yar ayaa si dirqi ah looga badbaadiyay shil la yaab leh oo ka dhacay Canal-ka Amsterdam ee dalka Holland, kadib markii gaarigii ay saarnaayeen ku dhex dhacay Canalka.
Hooyada ayaa dooneysay in ay gaariga Parkin-gareyso, hase ahaatee uu qadkii ka bixisay, wuxuuna ku dhex dhacay biyaha canal-ka iyadoo muuqaalkaan aad ka arkeyso gaariga oo ku dhex mirqaya biyaha.
Dad goobta ka dhawaa ayaa gurmad deg deg ah u fidiyay, waxaana si dirqi ah looga badbaadiyay gabadha kadibna hooyada ayaa laga soo bixiyay xili gaariga biyaha kusii mirqaya.
Hoos ka Daawo
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment