Bulsha:- Fannaanada caanka ah ee Fartuun Birimo ayaa soo saartay todobaadkii lasoo dhaafay hees caaqibo leh oo ay ku garaaceyso seygeeda (Faysal Hanad).
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa suuqa ku jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya, iney isku dhaceen fannaanada iyo seygeeda, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf aad u xoogan.
Hadii aan idinla wadaagno qaar kamid ah Ereyada ku jira Heesta “Yaan Lagaa Dareemin”, ayaa waxaa kamid ah:
Xiriiro kala duwan oo la sameynay fannaaniin ku sugan Nairobi iyo Waqooyiga Ameerika ayaa ka gaabsaday in faah faahin ka bixiyaan wararka sheegaya kala taga labadaan fannaan, hase ahaadee waxay ku gaabsadeen inuu mudooyinkii danbe xiriirkooda hoos u dhac ku yimid iyo arrimo maseyr.
Jaceylkii igu dambeeyay Adaa u dulqaadan waayay
Nafteydoo kuu diyaara Markuu darajada lahaa Adaa meel kale u dalxiisoo Waliba waliba waliba Dib usii dambaabay
War adeey diiftiyo dulmigu Dushaada ka muuqataa Aniga roob ii da’iyo Dambar baan maalayaa Waxaan hadalkii ku daayay Murtidu duugoobi meysee Adiga yaan lagaa dareemin Oo dadkuna yeey kaa dareemin.
Halkaan ka daawo Heesta oo dhameystiran:
Sidoo kale Daawo Heesta Isa-siin Jaceyl oo ay horay iskula qaadeen kuna soo bandhigeen jaceylkooda.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment