Bulsha:- Ogoow walaal inuu Sheydaanku Qofka Muslimka ah uu ka soo maro Saddex waddo, Qofka ka diida Saddexdaasi wuu liibaanay, Qofka u Hogaansamana wuu Halaagsamay, waxeyna kala yihiin:-
1- Qofka wuxuu ku Oranaa Gaaloow, hadduu Gaaloobana wuxuu ku Oranayaa aniga Barri ayaan ka ahay, waxaan ka baqayaa Rabal Caalamiinka, isagoo marmarsiiyo ka dhiganaaya Aniga ma I taqaan, xaggeese Igu Aragtay?
2- Qofka hadduu ka diido Gaalnimada wuxuu ku amrayaa inuu Bidco la yimaado (yacni wax aan Rasuulka CSW sameynin inuu la yimaado oo uu Diinta ku soo kordhiyo).
3- Qofka hadduu taasi ka diidana wuxuu ka soo weeraraa ama ka Mashquuliyaa Dhanka Cibaadada, haba ugu horeyso Salaadda.
Haddaba, Walaalaha Muslimiinta ahoow, ilaaheey dhowr aayadood ayuu inoogu sheegay inuu Sheydaanku yahay Cadowgeena Koowaad, sidaasi darteed aan ka Feejignaano Dhibaatada uu nala Maagan yahay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment