Nin Saaxiibkiis qiyaanay oo xaaskiisa u daba maray..“Qiso Naxdin Badan”

Bulsha:-  Nin la yiraahdo Axmed ayaa saaxiibkiis Cali u sheegay inuu bartay xaaska Imaamka Masaajid u dhowaa.

Waxey ahaayeen saaxiibo aan ALLE ka cabsan oo xumaan ku saaxibey, Axmed ayaa ku yiri saaxiibkiisa Ali ” sxb qoftaas ayaan gurigeeda ugu tagaa, balse mar kasta waxaan ka cabsadaa in ninkeeda oo ah Imamka masjidka uu igu qabto anoo gurigiisa ku jira oo xaaskiisa la fara ciyaaraya. marka maxay kula tahay saaxiib markii uu salaada dadka dujiyo oo uu soo bixi rabo hadaad u sheekeysid intaan danteyda ka dhameysanayo, haduu soo baxana isoo wacdid, si aan meesha uga fakado intuusan iigu imaan?.

” ok saaxiib” ayuu yiri Cali, kadibna masaajidka ayuu hore ka aaday. kadib Imamkii salaadii markuu dadkii tujiyey ayuu sheeko u qabtay.

Maalin kasta diinta ayuu wax ka weydiin jiray, isagoo iska dhigaya nin raba inuu wax faa’iideysto.
Imaamku markuu baxayana saaxiibkiis ayuu wacaa oo uu ku yiraah wuu soo baxay iimaamkii ee meesha isaga tag. kadibna wuu uga sheekeyn jiray wuxuu soo sameeyo maalin kasta.

Waxay sheekadu sidaa ku socotaba Ali wuxuu sxb la noqday oo sheekadii isugu baxday Imamkii, wuxuuna bilaabay inuu fekero oo uu denbi iyo shalaayto dareemo.

Maalintii danbe wuxuu go’aansaday markuu mudo is celcelinayey inuu u sheego Imaamka waxa jira iyo inuusan masaajidka ALLE ka cabsi usoo aadi jirin iyo weliba inuu ujeedadiisu aheyd inuu u sheekeeyo inta saaxiibkiis Axmed uu ku maqan yahay Imaamka Marwadiisa.

Imaamii oo arinta la yaaban ayaa wuxuu ku jawaabay, Cali nin yohow anigu xaas ma lihi ee maxaad ka sheekeyneysaa?”.

Hadaba akhristayaal halkeebey idinla tahay inuu Ahmed aadi jiray? wuxuu aadi jiray xaaska saaxiibkiis Ali.

CADOWGAAGA HAL MAR ISKA JIR, SAAXIIBKAAGA XUNA KUN JEER ISKA JIR.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment