Madaxweyne Xasan oo natiijo la’aan kasoo laabtay Baladweyne: Sawirro

Bulsha:- Kullan maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saakay barqadii gaaray halkaasi iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, kaasoo kusoo dhamaaday is-afgaran waa.

Madaxweyne Xasan ayaa markii uu magaalada Baladweyne gaaray wuxuu kulan la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana wararku sheegayaan in uu ku dhamaaday kulankaasi is afgaran waa, kadib markii uu Ugaasku ku adkeystey in shirka maamul u sameynta lagu qabto magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay labada dhinac shirkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne gaar ahaan kulankii ay yeesheen Madaxweynaha, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo waxgarad kale..

Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana horay usoo raacay ergo uu hoggaaminaay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo madalaya gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka qeybgalaysa shirka lagu wado in dhowaan uu ka dhaco dalka Turkiga. 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment