Kenya oo Sheegtay Inay Dishay Hogaamiyihii Sirdoonka Al Shabaab (VIDEO)

Bulsha:- Ciidamada Cirka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen hogaamiyihii Sirdoonka ee Ururka Al-Shabaab Mahad Karatey iyo 10-saraakiil kale, kadib markii ay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen degaano ku yaala gobolka Gedo ee gudaha Soomaaliya.

War ka soo baxay Milateriga Kenya ayaa lagu sheegay in Mahad Karatey uu Mas’uul ka ahaa weerarkii bishii la soo dhaafay lagu qaaday xero Ciidamada Kenya ku lahaayeen Gobolka Gedo.

Mahad Karate ayaa la sheegay inuu sidoo kale ahaa Kuxigeenka Hogaamiyaha Al-Shabaab ahna Madaxa Sirdoonka.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in duqeyn dhacday 8-dii bishan oo lala beegsaday meel ka socotay munaasabad tababar loogu soo xirayay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab uu goob joog ka ahaa Mr Karatey, laguna dilay isaga iyo tiro kale oo saraakiil dhexaad ahaa.

“Waxaan rumeysanahay in Karatey uu doorar ku lahaa weeraradii u dambeyay ee lagu qaaday Ciidamada Kenya ee ku sugnaa Xerada Ceel Cadde” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Milateriga Kenya.

Mahad Karatey ayaa sidoo kale madax u ahaa kooxda Amniyaadka iyo guutada sameysa waxyaabaha qarxa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay hogaanka Milateriga Kenya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment