Ilmaha Oo Si Qallafsan Loola Dhaqmaa Waxa Ay Ku Keeni Kartaa Noocyo Cuduradaan Halista U Ah Mustaqbalka Carruurta.

Bulsha: Waxa soo baxaysa in dadka qaan gaadhka ah ee carruurnimadoodii la soo kulmay macaamilada qallafsan iyo ad-adayga badani ay yihiin kuwa ugu dhow khatarta ah in uu ku dhaco Cudurka Kansarku, gaar ahaan marka la barbar dhigo halista noocan ah ee ku waajahan dadka aan yaraantoodii la soo kulmin macaamilka qallafsan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Toronto ee dalka Canada ayaa sheegay in ilmaha oo xilliga korintaankiisa la kulma hab-dhaqan qallafsan iyo macaamil kakani ay boqolkiiba 49 kor u qaaddo halista ah in marka uu weynaado uu ku dhaco cudurka kansar ama nooc uun ka mid ah cudurrada maskaxda ku keena kansarka.

Waxa ay khubaradani sheegeen in xaaladda bulsho, dhaqaale ama sigaar cabbista iyo isticmaalka daroogooyinka iyo weliba jidhka oo aan looga faa’idayn firfircoonidu in ay keento noocyo ka mid ah kansarka.

Lissome Volor Thompson oo ka tirsan jaamacadda Toronto ayaa isaga oo sharraxaya natiijada daraasaddan waxa uu yidhi, “Waxa lagama maarmaan ah in dhakhaatiirtu ay gartaan halista khataraha keena cudurka kansarka” Waxa uu aqoonyahankani intaas ku daray, “Macluumaad muhiim ah oo cilmiya ayaa sheegaya in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya ilmaha oo yaraantiisa si qallafsan loola dhaqmo xilliyada koritaanka ee hore iyo cudurka kansarka”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment