Haweeney Xabsi Ku Muteysatay Qeylo ay Sameyso Xiliga Ayada iyo Ninkeeda Isu Galmoonayaan from Hablaha Media Network

Bulsha:-  Sida ay daabacday jariidada dailymail.co.uk, inan 23 jir ah oo lagu magacaabo Gema Wale kana soo jeeda magaalada Bermigham ee cariga Ingiriska.
                                                                                                                
Gema waxaa soo eedeyay dadka deegaanka, kuwaas oo sheegay in Gema Wale ay si zaa'id ah u qeyliso marka ayada iyo ninkeeda ay isu galmoonayaan xiliga saqda dhexe ee habeenka.

Sida uu sheegay mid ka mida ah dadka dariska la ah Gema, waxa uu ku waramayaa in ay maqlaan shanqad cod dheer ah mar ay gabadhani  la baashaaleyso ninkeeda, taasi oo keenta in dariska iyo carruurta ay ka toosaan hurdada. caruurta waxa ay isku diyaarinayaan imtixaan, marka haddii ay codkaan maqlaan waxaa macquul ah in ay ka habsaamaan wax aqriskoodii.

Mid kamid ah dariska Gabadhani ayaa yiri "Anaga iyo caruurtaba waxa ina toosiya dhawaqa Gema habeen kasto marka la gaaro 5:00 habeennimo, waxaan isku daynaa in caruurteena aysan dareemin shanqadhtaasi, waxaan shidnaa Tv-yada, anaoo dheereyneyna codka sameecadaha TV-ga si caruurta codkaasi aysan u dareemin in uu yahay mid baashaal ah.




Dadka deegaaka ayaa waxa ay u dulqaadan waayeen dhaqanka haweeneydan oo u muuqda in uu iyaga ka qasayo hurdada, sababtoo ah in Gema iyada isma oga marka ay ninkeeda la baashaaleyso in codkeeda uu dhib ku yahay dariska ayada ka ag dhow.

Xaakimka maxkamada Emma Kelly  

       
Xaakimka maxkamada Emma Kelly ayaa waxa ay ku la talisay in ay codka yareeyso ama ay ku daydo in hoos u dhigto, laakin Gema ayaa ku andacooneeysa in aysan awoodin in ay codkeeda hoos u dhigto waxa ayna tiri sidan "Aniga ma awoodo codkeeyga in aan hoos u dhigo, waayo maba kala ogi in codkeeyga uu yahay mid sareeyo iyo mid hooseeyaba, marka maxaan sameeyaa"

Inantan 23 jir ta ah ayaa waxa ay ku qasbantahay in ay aqbasho xukunka maxkamada, kaa oo ah in ay xabsiga ku sii jirto mudo 2 isbuuc ah, kadib markii loo arkay in ay dadka deeganka ku eedeeyeen in ay ka qasto hurdada xil habeenkii marka la seexdo. 
W/Q : Canka 







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment