7 ARIN OO RAGGU AY AAD DOONAYAAN BALSE AYSAN DUMARKA U SHEEGAN KARIN

Bulsha:- Waxaa jira waxyaabo badan oo raggu aysan u sheegin xaaskooda balse ay si ba’an u doonayaan. Dumarka ilaahay awood uma siin in ay akhriyaan waxa ku jira madaxa ragga. Ragga iyo dumarka Soomaalida ayaa qaasatan ku liita wadahalka.

Inta badan lamaanayaasha Soomaalida ma dhex marto sheego macaan ama in ay ka wada hadlaan arimaha reerkooda ee waxay isugu yimaadan in ay wax wada cunaan iyo galmo. Hadaba mowduucaan waxaan ku soo bandhigayaa 7 arimood oo raggu doonayaan balse aysan dumarka u sheegin.

Raggu waxay doonayaan xushmad – Ninkaagu intuu kuu yimaado ku dhihi maayo waxaan doonayaan in aad i xushmayso balse qodobkaan waa midka ugu muhiimsan ee raggu doonayaan. Dumarku waxay doonayaan jaceyl balse raggu waxay doonayaan in aad xushmayso oo aad ka dambeyso. Ninka ragga ah haddii uusan xushmad ka helin xaaskiisa waxaa meesha ka baxaya jaceylkiisa. Waa nin dhabarka laga toogtay oo kale.

Raggu waxay doonayaan in aad ka dambayso – Raggu waxay doonayaan xaas ay isku halayn karaan oo dhabar taagan xiliga dhibaatada iyo xiliga barwaaqada. Ma doonayaan haweenay markii uu ninku taajiryahay la socota markii xaaladu ku xumaatana ka tagaysa. Raggu waxay doonayaan xaas markii ay guriga yimaadaan ku soo dhaweynaysa hadal macaan. Ma doonayaan xaas habeenkii saq dhexe aroos ka imaanaysa. Raggu waxay doonayaan in markii ay guriga yimaadan in waxkasta diyaar yihiin.

Raggu waxay doonayaan galmo dheeri ah – Arintaan waa mid dumarku aysan ku baraarugsanayn balse xaqiiqada ayaa waxay tahay in dareenka raggu uu yahay mid xili kasta kacsan. Raggu waxay doonayaan in xaasku ay diyaartahay markii ay doonaan. Ogoow haddii aad ninkaaga ku tiraahdo .
Madaxa ayaa i xanuunaya caawa.

Diyaar ma ihi Aan sugno sabtida iyo axada.

In uu seexanayo habeenkaas isaga oo xumaan dareemaya. Ragga markii uu galo rabitaan galmo waxay doonayaan in ay ka miro dhaliyaan. Hadaba haddii aysan jirin caqabad kaa hortaagan in aad la seexato ninkaaga. Dumaroow ogoow in ninkaaga uu doonayo galmo dheeri ah.

Raggu waxay ka fikiraan dumarka kale – Qodobkaan qalad ha u fahmin, macnaheeda ma ahan in ninkaagu uu ku qiyaanayo, ama uu xaas kale leeyahay iwm. Balse waxaa xaqiiqo ah in ragga oo dhan ay ka fikiraan dumarka kale qaasatan in ay maalin maalmaha ka mid ah xaaskale guursadaan. Arintaan waa mid loo baahanyahay in dumarku yaqiinsadaan isla markaana aqbalaan. Ninkaaga kama hor istaagi kartid in uu xaas kale guursado balse waxaad noqon kartaa mida uu ugu jecelyahay.

Saygaagu waxa uu doonayaa farxadaada – Arintaan dumarku kuma baraarugsana balse ragga oo dhan waxay doonayaan in ay xaaskooda ka farxiyaan. Raggu waxay saa’id ugu shaqeeyaan in ay kor u qaadaan heerka nolosha ee familkooda. Dumarka waxaa laga doonayaa in ay fahmaan juhdiga raggu u galaan farxadooda isla markaana ay uga mahadceliyaan balse aysan buuq la imaan xiliyada arintu isku toosi weydo.

Ninkaaga adiga ayaa Muslim fiican ka dhigi kara – Qodobkaan waa mid ragga iyo dumarka Soomaalida labaduba ku liitaan. dumarka Soomaalida iskuma dayaan in ninkooda ay ku dhiiri galiyaan diinta. Waxaa la ogaaday haddii xaasku ay ninkeeda ku dhiiri galiso diinta, sida salaada in uu xooga saarayo. U kici saygaaga salaada subax. Ku dhiiri gali in uu masaajidka aado.

Saygaagu waa ku jecelyahay, xitaa haddii uusan muujin – Ragga Soomaalidu kuma wanaagsana muujinta jaceylka. Inta badan kuma wanaagsana in ay xaaskooda ku yiraahdaan “Waa ku jeclahay” balse taasi macnaheedu ma ahan in saygaagu uusan ku jeclahayn balse waxa uu ku liitaa in uu muujiyo jacaylkiisa. Taasna ragg badan ayaa la qaba. Waa uu doonayaa in uu kuu muujiyo jacaylkiisa balse marar badan kuma guuleystaan raggu in ay jaceylkooda u muujiyaan sida saxda ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment