Bulsha:- Hadaba Inkastoo Da’deedu ay aad u yartahay ayna jirta 6jir, hadana Izabela Barit oo ah Boqorada Quruxda Caruurta Dunida waxay kaloo ku guuleysatay inay ka mid noqoto Maal Qabeenada Caalamka,
Lakin Hantideeda gaarka ah waxay sii dhaaftay Gabadhan Hal Milyan oo Dollar, waxayna Lacagteeda ku maal galisay Mashruuc lagu soo saarayo Waxyaabaha ay Habluhu isku qurxiyaan ama isku nadiifiyaan,
Izabela Barit ayaa waxay noqotay Xidigad Xayeeysiinta Telefishinada lagu soo qaato, ka dib markii ay ku guuleysatay Barnaamij si wayn dood uga dhaliyay Mareykanka, markii Dadka qaarkiis ay ku doodeen in Tartan loo galayo Quruxda aanay Ilmaha yar yar u wanaagsanayn si naba dadka waweyna ay ku fiicantahay quruxda,
Balse arrinta kicisay Carada Dadka Mareykanka ah waa, Gabadhan Hooyadeed oo Lacag gaaraysa 50 Kun oo Dollar ku bixisay Dharka iyo Qurxinta Gabadheeda, inkastoo Dadka qaarkiis ay taas ku tilmaameen Maal-galin lagu sameeyay Quruxda Gabadheeda,
Ugu danbeeyntii Iyadoo Wareysi siinaysay Wargeys Ingariiska ka soo baxa ayeey Gabadhan yarta ahi muujisay farxadeeda ah inay noqotay Milyuuneer Da’ yar ah, iyadoo tilmaamtay inay aad u jeceshahay Dharka iyo Kabaha, taasina ay ku dhalisay Fikirka ah inay samaysato Calaamad Ganacsi oo iyada u gaar ah,
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment