DEG DEG: Baasaboorka SOOMAALILAND oo ay Aqoonsadeen 10 Wadan oo caalami ah

Bulsha:- Qofka haysto Baasaboorka Somaliland ee doonaya inuu u safro dalka Zambia uma baahna VISA (Dal-ku-gal), wuxuu joogi karaa Visa la’aan dalka Zambia muddo dhan 30 maalmood haddii uu yahay ganacsade, 90 maalin ayuu joogi karaa haddii booqashadiisa tahay Dalxiis.



Website-ka Wasaaradda Arimaha Dibadda Zambia ayaad daabacay Warbixin ku saabsan in ay aqoosan yihiin Basboorka Somaliland.

Haddii aad doorato Baasaboorka Somaliland ee “Ordinary Passport” waxaa kuu soo baxaayo “You are exempted from VISA” oo micnaheeda yahay inaan lagaaga baahneyn Dal-ku-gal.

Sida Maamulka S/land ay sheegeen Dalalka aqoonsaday Baasaboorka Somaliland ayaa noqonayo 10 dal kuwaasoo kala ah:
1- South Africa
2- Ethiopia
3- Djibouti
4- Belgium
5- United Kingdom
6 – France
7-  South Sudan
8-  Kenya
9-  UAE
10- Zambia

HALKAAN HOOSE KA DAAWO







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment