Bulsha:- Gabar Soomaaliyeed oo degan Magaalada Minnessota ee Dalka Mareykanka ayaa arin murugo badan la soo deristay,kadib markii Nin Soomaaliyeed oo caan ka ah inuu si xirfadeysan gabdhaha u kufsado uu ka duubay Video xili uu kiniini mandooriye ah oogu daray cabitaan ay cabaysay,kadibna kolkii ay miirkeedii doorsoomay ka qaaday Sawiro iyadoo qaawan oo nuudo ah.
Ninkan ayaa Gabadhan dhibanaha ah markasta oogu hanjabi jiray hadii aysan qasab kula galmoon inuu Sawirada uu ka qaaday inuu faafinayo,wuxuuna sawiradii uu ka qaaday hadda bilaabay inuu 5-Dollar ooga iibiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Mareykanka,waxayna arintani sababtay inay go’aansatay inay is-disho,inkastoo saaxiibadeed kula taliyeen inaysan nafteeda haligin,balse ay Saxaafada u soo bandhigto dhibaatada lagula kacay si markaas looga hortago in ninkan dembiilaha ah maxkamad cadaalad ah lasoo taago.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment