DAAWO Maxaa Adkeeya Xubinta Raga,,Ka Faaidesyo Guurkaga Ka Hor Garoob Sharaxaysa

Bulsha:- Fadlan hadii aad ka yartahay 15 sano, waxaa haboon inaanad akhrisan. Waxaad moodaa in bulshadeena ay ku yartahay wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la,aan baahsan iyo dadkeena oo aan inta badan wax wayn u arag waxyaabaha qaar sida dhibaatadan aynu manta ka hadli doono ee loo yaqaan (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah wakhtiga galmada.


Akhriste waxa hubaal ah in wixii xun uun laga xishoodo maadama ay wanagsantahay in aad ogaato waxkasta oo ku dhaca bani aadamka sida xanunada kala duwan oo badankooda laga dawoobo. Maqaalkan manta waxaynu ku eegayna xanuunkan loo yaqaan (PE) oo boqolkiiba 65­70% ku dhaca raga aduunka ku nool, iyadoo celcelis ahaan 3dii ninba uu hal nin ka cabanayo dhibatadan la soo darista wakhtiga uu qofku guursado.

Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi? Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin.

xanuunkan ayaa noqday mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool, hadii aynu si kale u dhigno, iyadoon la odhan Karin waa xanuun wayn hadana way adagtahay in ninka dhalinyarta ahi uu tago dhakhtar oo uu soo bandhigo inuu ka cabanayo xanuunkan, akhriste, sida aynu wada ogsoonahayba caafimaadku waa shay muhiim u ah saldhiga nolosha.

Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo la,aan.

Gabadh ka mida gabdhaha caalamka ku nool ayaa jariirad online ah oo la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay ninkaygu ima qanciyo.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment