Daawo Katrina Kaif oo u tagtay wadaad si uu u guuleysto filmkeeda Fitoor

Bulsha:- Atariishada Bollywoodka Katrina Kaif ayaa booqasho ugu tagtay wadaadka laga qadariya magaalada Fatehpur Sikri ee gobolka Uttar Pradesh dalka India, booqashadaan ayaa ku saleysneyd sidii uu u guuleysan lahaa filimkeeda cusub ee Fitoor ay wada jilayaan Aditya Ray Kapur.

Salim Chishti oo dadka India ugu yeeraan wadaadka barakeysan ayaa waxay Katrina ka duco qaadatay wadaadkaas oo u tukaday in filmka Fitoor guul gaari doono.

Katrina ayaa markii ay booqaneysay wadaadka Salim Chishti waxay xeraday dhar cad, ubaxyo gaduudana gacmaha ayey ku wadaday.

Filimkaan oo ah mid aad loo sugayo ayaa qorshuhu yahay in lasii daayo 12-ka bishaan Febraayo 2016.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment