Bulsha:- Fanaanadda caanka ah ee reer Ingiriis Adele, ayaa caalamka ku hogaamineysa albumkeeda 25, waxaana raad raac la sameeyay uu cadeeyay in albumkan uu ahaa kii ugu iibsiga badnaa caalama sanadki tegay ee 2015.
Waxaa iibsday sida la sheegay albumkaan dad ka badan 15-miyan oo caalamka kala jooga, halka wadamada loogu iibsiga badnaa lagu sheegay Mareykan, Germany, France, Italy, Austrelia iyo wadanka England.
Fanaanadda Adele ayaa lagu tilmaamay iney eheed halyeey marka loo eego waxa ey sameysay sanadki tegay.
Dhanka kale heesaga isaguna u dhashay Ingiriiska ee Ed Sheeran ayaa booska labaad ka galay qiimeyntaan gaarahaan heestiisa “ Thinking out loud”, waxa uuna ku guuleystay abaalmarinta ugu sareysa Musiga ee Ingiriiska Bright awards.
Taylor Swift oo u dhalatay Mareykanka horay u heysatay koobkaan ayaa hoos u dhac ku yimid waxayna ka dhacday booska sedaxaad, halka Justin Bieber uu galay afaraad, shanaad waxaa qabsadday kooxda reer Ingiriis ee One Direction.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment