Yuusuf Garaad: aayaha Soomaliya mise Aayaha Koofurta ? Hadalkii Dr: Galaydh ee Cadaado Iyo Shirka Kismayo (DAAWO)

Bulsha:- Yuusuf Garaad Cumar Madaxii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa Qormo kooban oo  Xambaarsan Su’aalo wayn iyo Halista la geliyey Qaranimada Soomaaliya uga hadlay Shirka la doonayo inuu ka Furmo magaalada Kismaayo, Wuxuuna soo Qaatay hadalkii madaxwaynaha Khaatumo uu ka jeediyey magaalada Cadaado. Wuxuuna ku bilaabay Sidan.

Soomaaliland yaa uga wakiil ah ama ku matalaya madasha Kismaayo?

Haddii ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku shiraya oo kulligood reer Koofureed ah ay keligood fadhigaas ku gooyaan saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo habka loo soo xulayo Xildhibaannada 2016, maxay uga duwan tahay in iyaga oo aan afka ka dhihin ay haddana muujinayaan in Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeedaa aanay talada dalka wax ku lahayn?

Sow taas macnaheedu ma noqon karo Somaliland waa dal gooni ah? Sow falkoodu ma noqonayo billowga aqoonsiga Jamhuriyadda aan jaarka nahay ee Somaliland?

Miyaan laga baqeyn in Soomaalida woqooyi ee Midnimo-doonka ah uu ku dhasho dareenka ah nin laga tashayadow tasho?

Miyeysan caqliyadda noocaan ahi markhaati u noqoneyn eedeyntii Dr. Cali Khaliif Galaydh  uu ka jeediyay magaalada Cadaado 2015 ee ahayd in kala go’a dalka laga wado Koofur?

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL KHUDBADII DR: CALI KHALIIF JEEDIYEY 


In khalad la timaamo, haadaanta laga digo, caddaalad darradana farta lagu fiiqo macnaheedu ma ahan in la jabo in la jecel yahay.

Madasha Kismaayo waxaan u rajeynayaa in ay ku dhammaato is afgarad ayna ka soo baxdo soo jeedin nidaamka siyaasadeed ee dalka hore u marin karta marxaladdan xasaasiga ah ee Kala-guurka ama Kororsiga. Taariikhduna weyn qormeysaa.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment