XOG Axmed Madoobe oo ku biiraaya shirka qaswadayaasha uga socda Garoowe

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe uu safar ku gaari doono magaalada Garoowe.

Safarka Axmed Madoobe ee Garoowe ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro ka tashiga shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo waxaana la soo warinayaan in arrimaha shirka uu la kaashan doono madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in magaalada Garoowe uu kulamo gaar ah kula qaato Ra’isul wasaarayaashii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, Cali Geedi iyo Siyaasi C/raxmaan Baadiyow oo guud ahaan kawada tirsanaa waxa loogu yeero Ururka Qaswadayaasha Somalia oo ka aasaasnaan jiray magaalada Nairibo waxa uuna Axmed Madoobe ka ahaa xubin firfircoon, ka hor inta uusan qabsan hogaanka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa daneynaaya in mas’uuliyiintaasi ka gadoodsan DFS ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh uu kala tashto hanaanka loo hirgalin lahaa shirka Kismaayo iyada oo aan dhicin wax caqabad ah oo kala fogeynkara DF iyo maamulada dalka.

Geesta kale, Axmed Madoobe ayaa shirarkaasi kadib Magaalada Garoowe uga qeybgali doona munaasabad lagu daah furi doono Garoonka Caalamiga diyaaradaha ee Boosaaso kaasi oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment