Sawirrada Xasan oo lagu dhejiyey waddooyinka dal carbeed, loogana mahad-celiyey hal arrin..!!

Bulsha:- Dibad-baxyo nabadeed kadhacay magaalada Cadan ee Koonfurta Yeman, ayaa waxaa lagu taageeray Go’aanka DFS ee ku aadan Hawlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Shacabka Yemen kuwooda ku nool Koonfurta dalkaasi ayaa soo bandhigay taageerada ay u hayaan Somalia, waxa ayna mahad iyo taageeraba u muujiyeen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo sida dabacsan ay Dowladiisu ugu qeybqaadaneyso la dagaalanka waxa loogu yeero maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Shacabka dalkaasi ayaa qeybo kamid ah magaalada Cadan ee Koonfurta Yeman ku dhajiyay boorar hal ku dhig looga dhigay ”Mahadsanidiin Somalia + mahadsanid madaxweyne Xassan Sheekh”.

Sidoo kale, waxaa darbiyada qaar lagu hardhay Sawirka madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxa ayna qeyb ka tahay taageerada ay u muujinayaan DFS oo dhawaan halkaasi u daabushay ciidamo Millitery ah.

Qoraal lagu soo qoray shabakadda 7hadarmout ee kasoo baxda dalka Yemen ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Somalia ay kaalin lixaad leh ka qaadaneyso dagaalada lagula jiro maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Waxa uu sidoo kale qoray Wargeyska in Shacabka Yemen ay mahad celin ka muujinayaan wanaaga ay sameyneyso Dowlada Somalia, waxa ayna amaan u jeediyeen sida ciidamada Somalia ay u garab istaagayaan Dowladaha isbaheystay ee ka hoos shaqeeya Dowlada Sacuudiga kuwaasi oo ku mideysan Howlgalka loogu magac daray “Duufaantii Kama Dambeysta”.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan ciidamo kor u dhaafaya 300 u dirtay dalka Yemen kuwaasi oo ka qeyb noqonaaya dagaalada lagu ciribtiraayo maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen.

Geesta kale, tallaabadaani ayaa waxaa dhaliil ka muujiyay Siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegay in Somalia ay ku dhex lumeyso dagaalada u dhexeeya Dowladaha Carabta.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment