”Waxaan maqlaayay walaalkey oo ashahaadanaayo waxaana iigu xigtay isaga oo ay naftu kasii baxeyso”

Bulsha:- Muuse Maxamed oo kamid ahaa dadkii laga bad-baadiyay weerarkii lagu qaaday Maqaaxida ku taalla Xeebto Liido ayaa ka warbixiyay qaabka uu weerarka u dhacay iyo waxyaabihii ay ishiisu qabanayeen mudad uu weerarka socday.

Muuse waxa uu sheegay in dabaqa labaad uu ka saarnaa maqaaxida, wuxuuna cadeeyay in isaga iyo walaalkii ay wada fadhiyeen balse Jugta koowaad uu ka cararay isaga oo sheegay inuu dhexda kasoo xirtay suuli aan sidaa uga fogeyn.

Muuse waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in rasaas xoogan kadib ay dhagahiisa kusoo dhaceen aadaarka walaalkii oo rasaasta looga dhuftay qeybta dhexe ee jirkiisa.

”Anigu waxaan ahaa shaqsi argagaxsan waxaan badbaado ka raadiyay suulida goortii aan dhexda kasoo xirtay waxaa ii xigay qeylada walaalkey. waxa uu ku qeyla dhaaminaayay ashahaatanka, kadibna waxaan maqlay isaga oo quurinaayo misna ay naftu dhibeyso”

”Ma aqaan sababta loo dilay walaalkey waayo ma aheyn shaqsi u shaqeeya Dowlada. waxaa igu soo dhacay hadalo dhowr ah oo ay ku hadaaqan madaxda Dowlada kaasi oo ah in Al-shabaab aysan u dagaalamin diin balse ay u dagaalamaan in Somalia ay hooy uga dhigaan argagixisada caalamka”

”Tan aan la yaabay ayaa aheyd goortii ay nasoo badbaadiyeen ciidamada Dowlada waxaan dul imaaday meydka walaalkey si aan ugu qanco noloshiisa ama geeridiisa, waxaan u imaaday isaga oo dusha laga saaray wiil dhalinyaro ah oo lagu dul dilay”

Muuse Maxamed waxa uu sheegay in iminka uu yahay shaqsi aaminsan in gaaladu ay ka naxariis badan yihiin Al-shabaab, waxa uuna sabab uga dhigay dilka maalaayacniga ah oo ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee Muuse Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska celshaan waxa uu ugu yeeray cadowga diinta ku ganbanaayo oo uu ula jeedo maleeshiyada Al-shabaab.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment