U Gaar ah Dumarka : Haddii Bisha Malabka Dhawaan Gali Rabtid Talooyin

Bulsha:- Gabar walba oo maalin dhow noqonaysa caruusad waxaan ku leeyahay awguuriyo, laakiin waxaan rabaa inaan ku siiyo nasteexooyin aan rajaynayo inaad ka faa idaysato.

Ha samayn qodobadan soo socda:

Ha ku dhiqin wajigaaga biyo aad u kulul iyo saabuun qalafsan. Ha taataban oo ha farafarayn finanka wajigaaga ku yaala. Ha ku tijaabin waxyaalaha aadan garanayn ee la isku qurxiyo timaha iyo wajiga. Ha badalin maalmo ka hor arooskaaga habka aad u nadiifin jirtay ama nooca aad marsanjirtay wajiga. Ha badsan isticmaalka Meka-upka, sababtoo ah wajigaaga ayuu badalayaaye.

Naftaada ha daalin, waa inaad nasashada badsataa Ha ka qaadan qof aan waxna ka garanayn habka wanaagsan ee la isku qurxiyo, maxaa yeelay marmar ayey khatar kugu tahay waxyaalaha qaarkode.

Wax adag jirkaaga ha ku dhiqin, sida burush ama maro ama tuwaal ( shukumaan )

Samee qodobada soo socda:

Biyo badan cab, jirka ayey qurxiyaane. Jimicso si nadaam leh oo xadka ha dhaafin. Hurdada badso. Taataabashada badan ka daa wajigaaga, sababtoo ah gacantaada oo aadan ku ogayn wasakh ayaa u keeni karta wajigaaga dhibe. La tasho dhakhrka maqaarka ku takhasusay

Hadii aad dhib kala kulantid maqaarka wajiga ama meelkale, sida finan badan IWM, hana ka qaadan dadka kale ee aan cilmiga ulahayn talada, hadii kale dhib ayaad u kordhin kartaa wajigaaga. Wajigaaga u roonow, oo isticmaal saabuun, kareem iyo maaske anfacaya wajigaaga. maalinkasta isticmaal. Marmar isticmaal wax dabiici ah,

sida khayaarka oo aad wajiga saarato, ama muus, qasil IWM. Gabar taqaana oo xaariifad ku ah habka la isku qurxiyo haku hagaajiso maalinta arooska ama maalinta aqal galka. Waqti fiican ka hor wax kasta habayso, si aadan u noqon neerfis ama walwal ku galin maalintaas, mana u fiicna wajigaaga iyo nafsadaadaba e. Kaxayso walaashaa ama saaxiibadaa marka lagu qurxinayo oo lugu diyaarinayo, si ay ra yigeeda kuu siiso oo ay kuu caawiso, adiguna xasilooni ayaad dareemi.

Naso, naso, naso aad ayey muhiim utahay wajigaaga iyo naftaada iyo jirkaagaba.

Ugu danbayntii waxaan ku xasuusinayaa arimo aad iyo aad muhiim u ah, oo ay gabdho badani fududaystaan malinta arooska.

Ha iloobin salaadaada. Waysayso intaadan toobka xiran, ama wax laguu marin kahor, si aad utukato markay salaadu kuu soo gasho. Laguuma ogola inaad salaada dib u dhigtid, matalan gabar ayaa iyadoo arooskeeda ku jirta waxaa usoo galay maqrib markaasay oranaysaa guriga markaan tago ayaan tukanayaa maqrib oon qalayn, arinaasi waa khatar ee aad isooga jir.

Adkaarta ha iloobin, ayad kursiga iyo suuradaha mucawidaadka akhriso, si uu illaahay u xifdiyo naftaada iyo gurigaaga kaana badbaadiyo sharka dadka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment