Bulsha:- Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed, ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka Somaliya inay kasbato shacabka Somaliyed, si shacabka ay ammaanka ugala shaqeeyaan Dowladda.
Waxa uu sheegay wadooyinka loo baahan yahay Dowladda Somaliya inay marto si shacabka ay u kasbato ay ka mid yihiin in Dowladda ay la timaado ku dhaqanka Cadaalada, Suggida ammaanka iyo waxyaabaha kale ee Bulshada ay jecel yihiin.
Sheekh Bashiir waxa uu sheegay hadii Dowladda arimahaasi ay ka shaqeyso oo si dhab ah u hirgeliso shacabka inay dareemayaan wanaaga Dowladda oo ay garab siinayaan Dowladda.
Isaga oo hadalka siiwata Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu tilmaamay in Masuuliyiinta dowladda aanan looga baahneyn kaliya inay Bulshada Warbaahinta uga sheegaan Dowladda in lala shaqeeya, balse ay muhiim tahay ficilkii lagula shaqeyn lahaa in lala yimaado.
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaanan qabin kalsooni badan oo ku aadan la shaqeynta Dowladda, maadaama ay ka cabsi qabaan hadii ay sheegaan waxyaabo amnidaro keeni karo in dhibaato ay kala kulmaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment