Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika.
Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.
Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha,marka la gaaro sannadka 2020.
Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment