Bulsha:- Waxaa habeenimadii xalay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah lagu qaaday Baarar kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana weeraradaasi ka dhashay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.
Weerarka xalay lagu qaaday baararka kuyaala xeebta Liido ayaa ahaa kuwa argagax badan dadka Soomaaliyeed ku abuuray, waxaa weerarkaasi inta badan dadkii ku dhintay ay ahaayeen dad shacab ah oo halkaasi u tagay nasiino iyo sheeko.
Dadka dhintay waxaa ku jiray Hooyooyin iyo caruur ay dhaleen, waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jiray lamaanayaal wada socday, dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jiray dad wada dhashay goob qura kuwada shaahayay xiligii uu weerarku bilaabanayay.
Baraha Bulshada ayaa aad looga hadal hayaa Geerida Naxtinta leh ee mar qura kuwada timid Sadax qof oo walaalo ah kuwaa oo kuwada sugnaa Baar kuyaala xeebta Liido, waxaana walaalahan ay ahaayeen labo gabdhood iyo Wiil la dhashay.
Sadaxdan qof ee Walaalaha ee dhintay ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Cabdi Qani Maxamed Kheyre oo 24 jir ah, Fardowso Maxamed Kheyre 22 jir aheed iyo Naciimo Maxamed Kheyre 15 jir aheed, walaalahan ayaana kamid noqday dadkii masaakiinta ahaa ee lagu laayay weerarkii Liido.
Waxaa sidoo kale Weerarkaasi naxtinta badnaa dadka dhintay la ii sheegay in ay ku jireen Aabo xaaskiisa iyo cunug yar oo ay dhaleen kuwaa iyana meel qura kuwada dhntay, inta badan dadkii ku dhintay Weerarkii Liido ayaa ahaa dad sumcad badan bulshada ku dhax lahaa una badnaa aqoonyahano wax bartay.
Arday Dhawaan ka qalin jabisay Jaamacado kuyaala Magaalada Muqdisho, Macalimiin Jaamacadeed iyo dad kale oo Muhiim ah ayaa sidoo kale kamid ahaa dadkii xalay noloshooda ku waayay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xeebta Liido.
Weerarka xalay ka dhacay Xeebta Liido laguna laayay dad badan oo Shacab ah ayaa noqotay dhacdo araggax badan bulshada ka dhax abuurtay si weyna looga hadal hayo goobaha ay dadku kuwada kulmaan iyo baraha Bulshada ay kuwada xariirto.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment