Bulsha:- Ku soo dhawaada mar kale iyo qeybta ku caawi talaadada waxa ayna todobaadkaan fariin inooga timid Lagu Magacaabo Nafiso Moamed oo ku nool magaalada Galkacyo , waxa ayna si naxariis ah bahda Jaceeyl.com uga codsaneysaa in laga caawiyo arin ku taagan.
Qoraalkeeda oo aan muhiimada ka raacnay ayaa waxa aan dhignay sida tan .
Bil ka hor ayay dhacday , waxaan ku darsaday instagram-ka aad ayaan u laab qaboowsaday markii aan arkay qurxda muuqaalkiisa .
Dhab ahaantii waxaan ahay gabar aad u qurxoon , xishood badan , af gaaban inta badanna aan toos ula hadlin ardayda aan wax isla baranno .
Waxaan ahay 22 sano jir , waxaan si la yaab leh u dareemay in aan aad u doonayo in aan barto illaa haatanna waan la yaabannahay dareenkaas .
ka dib hadal yar oo aan is weydaarsanay waxa uu i siiyay telkiisa , waxaana biloownay in aan ka wada hadalno WhatsApp -ka .
Tilmaamihiisa waxa ay yihiin kuwo ka duwan teyda waayo waxa uu xariif ku yahay sheekada , waxa uuna leeyahay wax yaabaha aan balwadda u leeyahay ee aan ka helo waxa uuna dhab ahaan iga weyn yahay marka aan wareysanay 10 sano .
Waxa uu ii sheegay in ay gabar horay isu mehersadeen balse ay kala tageen uuna qoomamo ka taagan yahay sameyntii meherkaas , ka dib waxa uu iiga hadlay sifaadkiisa gaarka ah waxa uu si saraaxad ah uu iigu sheegay ceebaha uu leeyahay isla markaana uu haatan laheyn awood uu dadka kale ugu kalsoonaado oo uu is badalay dabcigiisa .
Waxaan isku dayay in aan caawiyo oo aan ka yeelo mid qalbigiisa u furan yahay dadka kale mar kale balse arintaan ayuu durba sameeyay.
Balse waxa uu iiga yaabsaday in uu isoo diro calaamadaha shumiska ah si uu iigu muujiyo mahad celin ku aadan caawinta aan u sameynayo balse aniga arintaas waan dhibsaday marka dhinacyo badan laga eego oo diintana ay ku jirto , waxaaan si dabacsan aan ugu sheegay in aan arintaas dhibsaday balse waa uu i xayiray ( Block).
Aad ayaan ula yaabay arintaas waxa ayna iila mid noqotay dharbaaxo igu dhacday waxaan dhanka instagram-ka ka weydiiyay sababta uu arintaas u sameeyay balse waxa uu ii sheegay in uu ii arkay in aan xasaasiyad ka qaaday wax iska yar isla markaana aan mowduuca buun buuniyay isla markaana uu ii arko qof ad-adag oo qalafsan balse waxaan ugu jawaabay in aan noocaas aheyn , arintaasna aan u sameeyay dhaqankeyga iyo akhlaaqdeyda isla markiiba wuu i garwaaqsaday waa uuna iga qaaday xayiraaddii .
Balse ilama uusan hadal muddo laba maalin ah oo aniga ayaa la hadlay oo uga hambaleeyay maalinta dhalashadiisa xilli uu qadka soo galayay balse ilama uusan hadalin.
Dhibaato hor leh , waxaan furay instagram-ka waxaan ka war helay in uu xayiraad i saaray anna waan xanaaqay WhatsApp-ka ayaan xayiraad ka saaray , sidaas oo ay tahay waa ay isiin waysay niyadda waxaan dareemay in aan si ugu xermay wiilkaan maxaa yeelay aniga oo farxad dareemayay ayaan galay waxaan damacsanaa in aan caawiyo .
Waxaan si naxariis ah bahda Jaceeyl.com uga codsanayaa in ay ila wadaagaan taladooda waana ka mahad celinayaa marar badan taladiina wax ku oolka ah, Sidoo Kale Saaxibada ku tixan Boggaan Waxaan si Naxariis leh idinkun idiin kaga Codsanayaa in aad igu Caawisaan Sidii aan ka yeeli lahaa Qofkaan Sidaan Foosha Xun igu Sameeyay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment