Ma doonaysaa in Xaaskaaga ay kuu noqoto Marwo saalixad ah oo ku adeecda, Hadaba Qodobadan Muhiimka ah Aqriso

Bulsha:- Gabadha saalixadda ah waa tii uu Allah ku sheegay oo uu yiri:kuwa saalixaadka ah wey adeecaan Allah iyo raggooda, waxayna ilaaliyaan maqnaanshaha raggooda,ilaalinta Allah dartii (suuradda annisa’,aayad lambar 34),kuwa saalixaadka ah waa kuwo diinta ku taagan khayrkana ku camal fala,saalixaadka waa kuwa raggooda u hoggaansan,waxay ilaaliyaan nafsaddooda waxayna dhowraan xoolaha raggooda.

Sifada wanaagsan ee lagu garto gabadha saalixadda ah waa diinta iyo akhlaaqda isla markaana u istaagta ilaalisana xuquuda ninkeeda amarkiisana adeecda,waxayna ku garab istaagta faraxiisa iyo dhibkiisa,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haweenaydu waxaa lagu guursadaa afar shay:maalkeeda iyo sharafteeda iyo quruxdeeda iyo diinteeda, adiguse dooro midda diinta leh si aad ugu guulaysato guurkaasi.

Saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdillaahi bin Camr,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri:adduunka waa wax lagu raaxaysto, wax lagu raaxaystana waxaa ugu khayr badan marwo saalixad ah,sifooyinka wanaagsan ee lagu garto marwada saalixadda ah waxaa ka mid ah:in aysan ninkeeda ka soo horbaxaynin, markuu xaqa u tilmaamo ama uu ku amro,sunnooyinka annisaai’,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu calehi wasallama la weydiiyay:haweenka yaa ugu khayr badan?, wuxuu rasuulku sallallaahu caleyhi wasallama ku jawaabay:midda farax gelinaysa ninkeeda hadduu indhaha saaro ayna fulinayso amarkiisa kuna khilaafaynin nafteeda iyo maalkeeda waxa uu karhayo,sheekh Albaani ayaa xadiiskan ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu sunnan annisaai’,xadiiskan wuxuu nebigeena sallallaahu caleyhi wasallama uu ku soo ururiyay saddex tilmaamood oo waaweyn:

Midda kowaad:hadduu eego waxaa farxad gelinaysa diinteeda,akhlaaqdeeda, habdhaqankeeda iyo muuqaalkeeda,midda labaad:hadduu ka maqan yahay waxay dhowrtaa sharaftiisa iyo maalkiisa,midda saddexaad:hadduu khayr ku amrana wey adeecdaa,ibnu Xibbaan saxiixiisana waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Sacad bin abi Waqaas Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:afar shay waxaa lagu helaa sacaada (rayrrayn): marwo saalixad ah,guri waasac ah,deris wanaagsan iyo gaadiid wanaagsan,afar shayna waxaa lagu helaa xumaan iyo murugo:deris xun,marwo xun, guri ciriiri ah iyo gaadiid xun,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay silsiladiisa saxiixda ah.

Sifooyinka lagu garto haweenayda saalixadda ah waxay tahay:in ay tahay qof wanaajisa la dhaqanka saygeeda,imaam Axmed Allaha ka raalli noqdee,wuxuu musnadkiisa ku soo saaray xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wsallama uu yiri:haddii haweenayda ay tukato shanteeda salaad, bisheedana ay soonto farjigeedana ay dhowrto,ninkeedana ay adeecdo,albaabada jannada middii ay doonto ayay ka galaysa, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic,labada sheekh saxiixooduna waa Bukhaari iyo Muslime waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii uu ninku ugu yeero naagtiisa sariirta,dabadeedna ay diiddo sabab la’aan, ninkana uu markaasi ka caroodo,malaa’ikta ayaa haweenaydaasi lacnad dusha ugu tuuraysa ilaa ay ka waabariisato.

3544_121146541593723_6830068348110720187_n

Haweenayda saalixadda ah waa in ay ku dayataa haweenka saalixaadka ah iyo haweenka nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,haddii aan tusaale u soo qaadano Khadiija Allaha ka raalli noqdee,waxay garab iyo gaashaanba u ahayd nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,nafteeda iyo maalkeedana wey ku garab istaagnayd,marwada

saaalixadda ah kama sheekayso xumaanta ninkeeda kumana xaqirto dumarka hortooda,raganimadiisa iyo qiimahiisana hoos uma dhigto,waxyaabaha iyada iyo ninkeeda siriirta ku dhex marana bannaanka sooma dhigto.

Afoda saalixadda ah waxay is qurxisaa oo ay is carfisaa marka ay ninkeeda la joogto, waxayna ka ilaalisa in uu arko iyadoo kala daadsan ama aan hagaagsanayn,laakiinse casrigan aynu joogno dumar badan Allaha soo hanuuniye,waxay isku qurxiyaan shayaadiinta,waxayna is qurxiyaan oo keliya ama is carfiyaanba marka ay aroos aadayaan ama ay xaflado munkar ahi aadayaan ama guriga ay ku soo booqdaan dumar kale.

Haddii ay dhacdo in haweenayda ay ninkeeda ku soo dhoweyso dharkii ay ku shaqaynaysay ee madbakha,waxaa markaasi khasab ah in ninkii uu ka caroodo gurigiina uu ka tago, baashaal iyo waqti dhumisna u tago maqaayadaha lagu hayo qiila waqaala,rag badan oo nolosha ka dhacayna,waxaa sabab u ah dumar aan saalixad ahayn,waxaana loo baahan yahay in haweenayda haddii ay doonayso in ay saalixad noqoto waa in ay saygeeda ka fogeyso waxa uu dhibsanayo ama uu ka caroonayo,sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Camr bin Al-Xaarith,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri:dadka ugu cadaabta daran maalinta qiyaame waa labo ruux:haweenay ku caasisay ninkeeda iyo qoon karhay imaamkooda,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixu sunnan attirmidi.

Waxaa cajiib ah in dumarka imminka jooga ay u badan yihiin,in ay doonayaan in ninka uu guriga joogo iyagiina ay bannaanka aadaan oo ay soo tamashleeyaan ama ay soo haasaawaan ama in ay u shaqeeyaanba sidii ragga oo kale,raggiina ay aqalka joogan oo ay carruurta hayaan,waxaaba ka sii daran in ay maanta doonayaan in ay madax noqdaan dalka iyo dadkana ay hoggaamiyaan,saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Bakrata Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in rasuulka sallallahu caleyhi wasallam uu yiri:qoon ma liibaanaayo oo arrinkoodu haweenay maamusha,macnaha madax u noqota.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment