Bulsha:- Sida indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo in aad mar walbo aad ku dhex jirto.
* Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey in aan noolaha kuu jeclahey.
* Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana galaa jawi farxadeed.
* Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey in aad wax dheertahey dhamaan Aadanaha.
* Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax Khayaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaadey oo jaceylkii aan Khayaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka!
* Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan , bulsha.com, adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahey anna.
* Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga isaga oo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment